Sida qorshaha uu yahay dowladda Federalka Somaliya ayaa caawa qorsheynaysa in la furo wadada isku xirta KM4 & Tarabuunka oo muddo sideed sano ah isu socodkeeda uu ahaa mid xaniban.
Safaaradda Turkiga ayaa deganayd meel ku dhawayd guriga Cabdi Qaasim, waxaana u xirnayd wadada, iyadoo markii ay ka guurtay dhismahaasi ay dageen Safaaradda Qatar oo iyana dhawaan ka guurtay.

Intii labadan Safaaradood ay daganaayeen wadada ma jirin gaadiid shacab & mid dowladeed oo wadada maraayay, maadaama wadada bartankeeda dhagxaan & Ganjeel lagu xiray.
Masuuliyiin ka tirsan Hay’addaha ammaanka dowladda ayaa Dhacdo.com u sheegay in caawa qorshaha uu yahay wadada in la furo islamarkaana isu socodka gaadiidka si caadi ah ku soo laabtaan.
Caawa ayaa Saxaafadda loo soo bandhigi doono in wadada la furo, islamarkaana ay si toos ah u maraan gaadiidka shacabka.
Dhawaan ayeey aheyd markii Ra’iisul Wasaaraha Somaliya uu furay wadooyinkii kala wareega ahaa ee wadada wadnaha, balse waxaa la xiray wadooyinka warshadaha ee Magaalada Muqdisho.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com