Maydka gabar yar oo taalla Isbitaalka Boosaaso & dadweyne buux dhaafiyay (SAWIRRO)

Cisbitaalka wayn ee Magaalada Boosaaso waxaa maalintii labaad yaala Meydka gabar da’deeda lagu qiyaaso 14 sano Jir taasoo shalay laga soo qaaday maydkeeda oo si xun loo dilay, xaafada Raf iyo Raaxo agagaarka halka loo yaqaano Balbala-weyn.

Lama oga gabadhan yar cidda dishay ee halkaasi maydkeeda ku soo tuurtay, balse dad soo qaaday ayaa soo gaarsiiyay Isbitaalka.

Boqolaal dadweyne ah ayaa buux-dhaafiyay Cisbitaalka waxaana wali la la’yahay ehelada iyo waalidiinta dhalay gabadhan yar, inkastoo Waalidiin ay carruuro ka maqan yihiin ay joogaan cisbitaalka.

Dad u badan Hooyooyin & dumar kale ayaa Isbitaalka jooga si ay u arkaan maydka gabadha yar, balse illaa hadda lama aqoonsan gabadhaasi.

Muddooyinkaan dambe deeganada kala duwan ee Somalida waxaa ku soo badanaayay dhibaatada loo gaysanaayo haweenka Somalida.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com