Saddex qof oo xanuunka COVID-19 ugu dhimatay Somaliya

Sida ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Somaliya, saddex qof ayaa xanuunka COVID-19 ugu geeriyootay dalka, ka dib markii laga helay xanuunkaasi.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in 10-kii maalmood ee ugu dambeysay xanuunka laga baaray 4,045 qof, kuwaa oo 33 kamida laga helay xanuunka.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu sheegay in 21 kamid ah xaaladahaasi laga diiwaangeliyay Somaliland, halka 12-ka kalana laga diiwaangeliyay Gobolka Banaadir.

Sida ku cad qoraalka 25 kamid ah dadka xanuunka laga helay waa rag, halka 8-da kalana ay haween yihiin.

Qoraalkan oo lagu daabacay barta Wasaaradda Caafimaadka ku leedahay Twitter-ka ayaa sidoo kale lagu sheegay inay jiraan saddex qof oo xanuunka u geeriyootay, taasoo tirada guud ee dalka ugu dhimatay ka dhigeysa 102 qof.

Wadarta guud xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaangeliyay ayaa gaartay 3,897 xaaladood, tan iyo markii kiiskii ugu horeeyay dalka laga xaqiijiyay 16-kii bishii March.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com