Taliyaha Ciidanka Booliska oo la kulmay Madaxweyne Qoorqoor (SAWIRRO)

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.

Taliyaha ayaa Galmudug u tagay, sidii uu u kormeeri lahaa Xarumaha Ciidanka Booliska ku leeyihiin deegaanada Galmudug iyo xaqiijinta amniga ee magaalooyinka lagu wado in doorashooyinka lagu qabto.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa Madaxtooyada Magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay wafdiga Taliyaha Ciidanka Booliska.

Taliye Xijaar ayaa Madaxweyne Qoorqoor u faah faahiyay ujeedada ay u yimaadeen Galmudug, iyadoona uu soo dhaweeyay Madaxweynuhu.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta 11 qof u xukuntay weerarkii dadka badan ku dhinteen, ee 10-kii bishii August ee sanadkan ka dhacay Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com