Waare oo magacaabay Guddiga Hirshabelle ku metelaya Doorashooyinka Qaranka

Madaxweynaha Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa xalay magacaabay Guddiga Hirshabelle ku metelaya Doorashooyinka Qaranka, inkastoo aanu xilligeeda ku soo magacaabin.

Sida qorshuhu ahaa in inta u dhaxeyso 10-ka illaa 20-ka bishan October ayay ahayd in lagu soo magacaabo Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, taa oo qayb ka ahayd heshiiskii ay dhawaan Magaalada Muqdisho ku wada gaareen Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa toddobaadkii hore warqad furan u diray Madaxda Dowlad Goboleedyada Jubbaland, Hirshabelle, Galmudug iyo Puntland, taa oo ku xusneyd in la dhaafay mudadii laga suggaayay inay ku soo magacaabaan min labada xubnood ee ku metelaya doono Guddiga Doorashooyinka.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Hirshabelle oo ku mudeysneyd mid soo baxay 20-kii bishan ayuu saqdii dhexe ee xalay soo dhigay bartiisa Twitter-ka. Madaxweynaha ayaa Cabdinaasir Maxamed Guuleed iyo Maxamed Maxamuud Caddow u magacaabay inay Hirshabelle ku metelaan Guddiga Doorashooyinka Qaranka.

Madaxweyne Waare ayaa sidoo kale Farxiya Xasan Cismaan iyo Liibaan Cismaan Nuur u xushay inay Hirshabelle ku metelaan Guddiga Xalinta Khilaafaadka ee Doorashooyinka Qaranka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com