Dad loo soo qabqabtay dilka Madaxii Shirkadda Amal Bank ee Kismaayo

Ciidamada amniga Jubbaland ayaa tiro dad ah u soo qabqabtay dilkii maanta Magaalada Kismaayo loogu gaystay Allaha u naxariistee Cabdullaai Cabdisalaan (Shigshigow), Madaxii Shirkadda Amal Bank ee Magaalada Kismaayo.

Marxuumka ayaa waxaa lagu dilay xaafadda Calanley, wax yar uun ka dib, markii uu ka soo baxay goobtiisa shaqo, kuna sii jeeday Masaajid ku yaala Bartamaha Kismaayo.

Goobjooge ayaa sheegay in nin ku hubeysnaa AK47 uu marxuumka ka toogtay madaxa iyo xabadka, isla-markaana uu isaga tagay goobtaasi, ka hor intii aanay soo gaarin ciidamada ammaanka.

Taliyaha Saldhiga Booliska Kismaayo, Warsame Axmed Geelle ayaa sheegay in dhawr qof loo soo qabqabtay dilkaasi, isagoo intaa ku daray in hawlgalku uu weli socdo.

Taliyaha ayaa tilmaamay in ay dib Warbaahinta ugala wadaagi doonaan faah faahinta ku aadan dilkaasi, marka la soo geba-gabeeyo hawlgalka socda.

Ma cadda cidda dishay Cabdullaahi Shigshigow, mana jirto cid sheegatay masuuliyadda dilkiisa, balse Taliyaha Saldhiga Booliska Kismaayo ayaa dilkiisa ku eedeeyay waxa uu ugu yeeray cadowga.

“Wixii falkan gaystay waa wax cadow uun ku ah umadda reer Jubbaland, gaar ahaan reer Kismaayo.” Ayuu yiri Taliyaha oo wareysi kooban siiyay Laanta afka Somaliga ee VOA.

Dilkan ayaa ka careysiiyay bulshada ku dhaqan Magaalada Kismaayo, iyadoo uu marxuumku ahaa mid ay si weyn u garanayeen dadka reer Kismaayo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com