Guddoonka Maxkamadaha Galmudug & Xeer Ilaalinta oo la dhaariyay (SAWIRRO)

Munaasabad ka dhacday Xarunta Madaxtooyadda Galmudug ayaa lagu dhaariyay Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Gobalada & kuxigeennada Xeer Ilaaliyaha Guud ee Galmudug oo dhawaan uu magacaabbay Madaxweynaha Galmudug.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qaybgalay, Madaxweynaha & Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka, Guddoomiyaha Maxakamadda Sare, Xeer Ilaaliyaha Guud iyo Hanti-dhowrka Guud ee Galmudug, xubno ka tirsan labadda gole ee dowladda iyo dhammaan hawlwadeennada caddaaladda.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Galmudug Garyaqaan, Cabdullaahi Maxamuud Gacal, oo dhaariyay xubnaha cusub ee guddoonka maxkamadaha iyo xeer ilaalinta ayaa kula dardaarmay in ay si daacad ah ugu adeegaan bulshadda.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey xubnaha cusub ee hay’adda garsoorka, isagoona faray in ay xilkooda u gutaan si daacad ah oo ay ku jirto danta dalka iyo dadka, ayna ka hormariyaan danta guud middooda gaarka ah.

Madaxweynaha ayaa amray dhammaan laamaha amniga iyo hay’adaha dowliga ah in ay si dhaw ula shaqeeyaan garsoorka, isagoo xusay in aysan jirin cid sharciga ka sareysa, sharciga hortiisana loo wada siman yahay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com