Guuleed oo maanta lagu dhaariyay Xarunta Golaha Shacabka

Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Dalka ayaa maanta lagu dhaariyay Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka ayaa Sabtidii dalka ka maqnaa, xilli inta badan Golaha Wasiirada lagu dhaariyay Xarunta Golaha Shacabka, wax yar uun ka dib markii Xildhibaanada Golaha Shacabka, ay codka kalsoonida siiyeen Golaha Xukuumadda, oo uu maalintaasi horgeeyay Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Guuleed ayaa waxaa sidoo kale lala dhaariyay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Faaduma Axmed Nuur, oo iyaduna xilkaasi loo dhaariyay.

Labaduba waxaa dhaariyay Gudoomiyaha Maxkaamdda Sare Dalka, Baashe Yuusuf Axmed, oo xilligaa ku sugnaa Xarunta Golaha Shacabka, oo ku dhex taala Villa Somalia.

Guuleed ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu ku yiri “Waxaan maanta tagay Golaha Shacabka, aniga oo gutay dhaarta dastuuriga ah. Waxaan Eebbe ka baryayaa in uu igu garab galo howsha qaran ee la ii igmaday.”

Golaha Wasiirada cusub ayaa bilaabay in ay xilalka la wareegaan. Xalay ayay ahayd markii uu xilka la wareegay Wasiiru Dowlaha cusub ee Madaxtooyada, Xasan Macallin Khaliif.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com