Khadar Maxamuud Boqor oo lagu qisaasay Degmada Luuq, eheladiisa kuma qancin

Nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Khadar Maxamuud Boqor ayaa maanta lagu qisaasay Degmada Luuq ee Gobolka Gedo, ka dib markii uu dil u gaystay nin askari ahaa.

Khadar Maxamuud Boqor ayaa lagu helay in 26-kii bishii hore ee September uu Degmada Luuq ku dilay askari ka tirsanaa Ciidanka Booliska, laguna magacaabi jiray Axmed Cabdi Barre. Dilka ayaana ka dhacay Saldhiga Booliska ee degmadaasi.

Maxkamadda Degmada Luuq ayaa 10-kii bishan ku xukuntay xukun dil ah Khadar Maxamuud Boqor, Ina Caaliya Maxamed Guuleed, 22 jir ah.

Sheekh Cabdi Maxamed Aadan, Gudoomiyaha Maxkamadda Degmada Luuq ayaa xilligaa bulshada ka dhex akhriyay xukunka maxkamadda ku riday ninkaasi.

Maanta ayaa ninka eedeysanaha lagu fuliyay xukunkii maxkamadda, iyadoona ay qisaastu ka dhacday fagaare ku yaala Degmada Luuq.

Ninkan oo deegaan ahaan ka soo jeeday Puntland ayaa xukunkiisa waxaan ku qancin eheladiisa, oo sheegay inuu ahaa nin xagga maskaxda ka xanuunsanaya.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com