Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ku qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Somaliya, Amb. James Swan.
Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayaa sheegay in Wakiilka Qaramada Midoobey ay ka wadahadleen arrimaha doorashooyinka ee dalka, ammaanka iyo dardargelinta iskaashiga horumarinta ee Somaliya.
“Waxaan kulan wax ku ool ah la yeeshay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Somaliya, James Swan, waxaana ka wadahadalnay arrimaha doorashooyinka, amniga iyo kor u qaadista iskaashigeena horumarinta Somaliya.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Rooble oo warkan ku sheegay qoraal uu ku daabacay bartiisa Twitter-ka.
Beesha Caalamka ayaa gadaal ka riixeysa in doorashooyinka dalka lagu qabto waqtigooda, iyadoo dib u dhac laga foggaanayo.
Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa kal hore ballanqaaday in doorashada ku dhici doonto xilligeeda, waxaana uu meesha ka saaray wax kasta oo dib u dhac keeni kara.



Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com