Somaliland oo xabsiga u taxaabtay Fannaanka Qamar Suugaani

Somaliland ayaa galabta xabsiga u taxaabtay Fannaanka Qamar Suugaani, oo loo haysto in uu tagay Magaalada Muqdisho, kuna qabtay bandhig fanneed.

Ciidamada Booliska ayaa ninkaasi ka qabtay Magaalada Berbera, xilli uu doonaayay in socdaal dhanka dhulka ah ku taggo Magaalada Hargeysa, isagoona markaasi ka yimid Magaalada Garoowe.

Somaliland ayaa tallaabo adag ka qaadda Fannaaniinta reer Somaliland, marka ay dib uga soo laabtaan Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa khudbaddiisii Munaasabadda 26-ka June waxa uu sanadkan ku soo hadalqaaday Fannaaniinta u socdaasha Magaalada Muqdisho.

“Kooxdii Xamar tagtaa waa inay taggaan iyaga oo wata basaboorka iyo calanka Somaliland, ma jirto koox keligeed taggi kartaa Xamar.” Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com