Wafdi Xildhibaano oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Wafdi Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta maamulka Galmudug.

Wafdigaan ayaa waxa ay ka ambabaxeen Magaalada Muqdisho, waxaana si wayn loogu soo dhaweeyay Garoonka Magaalada Dhuusamareeb.

Wafdiga ayaa waxaa hoggaaminayay Senatar Cabdi Xasan Cawaale qeybdiid oo ay ka mid yihiin Senatar Yuusuf Geelle Dhageey, Xildhaan Xuseen Iidow iyo xubno kale, waxaana Garoonka kusoo dhaweeyay Gudoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Galmudug iyo Xildhibaano.

Sida wararka sheegayaan xubnahan Xildhibaanada ayaa u tagay Magaalada Dhuusamareeb sidii ololahooda Dib u soo laabashada halkaasi uga bilaabi lahaayeen.

Inta ay ku sugan yihiin Magaalada Dhuusamareeb xubnaha Wafdigaan ayaa waxa ay la kulmi doonaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye & masuuliyiinta kale.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com