DEG DEG: Guddoomiye lagu dilay duleedka Muqdisho & gaarigiisa oo la qaatay

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya duleedka Magaalada Muqdisho, dabley hubaysan ayaa dil toogasho u gaysatay Guddoomiye Waaxeed ka tirsan Degmada Kaxda.

Guddoomiye waaxeedka la dilay oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Colow Cali ayaa waxa dilka loogu geystay waaxdii uu maamulayey ee Siinka-dheer ee degmada Kaxda.

Isaga oo watay gaari yar ayaa la sheegay dableyda inay wadada u galeen, kadibna ay toogteen oo ay ka qaateen gaarigii uu watay.

Ilo deegaanka ah ayaa Dhacdo.com u sheegay Guddoomiyaha la dilay inaysan la socon wax istaaf ah sidaasina ay ku fududaatay dilkiisa, waxaana gaarigii la baxsaday raggii hubaysnaa.

Goobta ay wax ka dhaceen ayaa waxaa ku baxay Ciidamada Booliska dowladda, waxaana uu hawlgal ka socda meesha ay wax ka dhaceen.