Ciidamo kala duwan oo la geeyay Magaalada Caabudwaaq

Maamulka Galmudug ayaa si deg deg ahi ciidamo kala duwan ugu diray Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud, oo maanta dad rayid ah lagu dilay.

Koox hubeysan ayaa laba qof oo dadka deegaanka ka mid ahaa ku dilay magaaladaasi, ka dib markii ay rasaas ku furayn maqaaxi ay fadhiyeen.

Dilka dadkaasi oo la xiriiray aanooyinka xagga beelaha ayaa xiisad ka abuuray magaalada, iyadoona baqdin laga muujiyay in xiisadaasi gacan ka hadal isu bedesho.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa amar ku bixiyay in ciidamo loo diro magaaladaasi, si ay xaaladda u xakameeyaan.

Ciidamadan oo isugu jiray Boolis, Nabadsuggid iyo Ciidanka Xoogga Dalka ee Qaybta 21aad ayaa laga diray Magaalada Dhuusamareeb, iyagoona gelinkii dambe ee maanta gaaray Magaalada Caabudwaaq.

Ciidamadan oo watay gaadiidka dagaalka ayaa caawa ku hooyanaya Magaalada Caabudwaaq, iyadoona ay xaaladda magaaladu tahay mid degan.

Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka reer Caabudwaaq ayaa wada waan-waan ay ku qaboojinayaan xiisadda maanta ku soo korortay magaaladaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com