General Odawaa Yuusuf Raage oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage iyo wafdi Saraakiil uu hoggaaminayo ayaa saacadihii dambe ee maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Wafdiga Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxaa Garoonka Ugaas Nuur ku soo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Taliyaha ayaa Galmudug u tagay dib u habayn ay tahay in lagu sameeyo Ciidanka Xoogga Dalka, lana dhameystiro qorshihii ay hawlgal ugu dhaqaaqi lahaayeen dhulka, ay Shabaabku ka maamulaan Galmudug.

Socdaalka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Galmudug ayaa ku soo aadaya, xilli maalmihii la soo dhaafay uu ku sugnaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), oo maanta gaaray Magaalada Cadaado.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com