SAWIRRO: Wasiirada cusub ee Arrimaha Gudaha & Amniga oo xilalka la wareegay

Wasiiradii hore ee Arrimaha Gudaha iyo Amniga, Cabdi Maxamed Sabriye iyo Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa maanta xilalka ku wareejiyay Wasiirada cusub, ee uu dhawaan soo magacaabay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa xilka ku wareejiyay Wasiirka cusub General Mukhtaar Xasan Afrax, halka Wasiirkii hore ee Amniga, Maxamed Abuukar Islow uu isna xilka ku wareejiyay Wasiirka cusub Xasan Xundubey Jimcaale.

Munaasabadda xilwareejinta oo ka dhacday Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qaybgalay xubno uu ka mid yahay Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa Wasiiradii hore ee Xukuumaddii Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre ku ammaanay hawlkarnimadii ay muujiyeen mudadii ay xafiiska jooggeen.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa xusay in labadaan Wasaaradood ay ka mid yihiin lafdhabarka dowladda, loogana fadhiyo Wasiirada cusub ee xilalka la wareegay waajibaadkooda in ay u gutaan si cadaalad ah.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com