Weerar dad lagu dilay oo ka dhacay Magaalada Caabudwaaq

Wararka inaga soo gaaraya magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi saaka weerar uu ka dhacay.

Weerarka ayaa waxaa fuliyay rag hubaysan oo sida la sheegay toogtay laba ruux oo ka mid ahaa dadka ku nool Magaalada Caabudwaaq.

Dadka weerarkan ku dhintay ayaa magacyadooda naloogu sheegay, Shiino farah gurxan ( shiine dhihii ) iyo Cabddul Diiriye Shaaciye oo labadaba ku dhintay meesha weerarka ka dhacay.

Weerarkan oo ay geysteen dabley hubeysan ayaa ah mid salka ku haya aano qabiil, waxaana dableyda oo baxsatey ku raad jooga Ciidamada Booliiska sida aan kasoo xiganey saraakiisha Amniga.

Magaalada Caabudwaaq ayaa waxaa ka dhaca dilalka noocaan oo kale ah ee salka ku haaya aanooyinka qabiilka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com