Puntland oo ka hortimid in la kala diro Rugta Ganacsiga

Madaxtooyada Puntland ayaa waxay ka hortimid in la kala diro Guddiga Rugta Ganacsiga, ka dib markii ay Wasaaradda Ganacsiga & Warshaddaha Puntland sheegtay in la kala diray.

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Kuxigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa ka horyimid kala diristii ay Wasaaradda Ganacsiga ku sameysay Guddiga Rugta Ganacsiga Puntland.

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland ayaa qoraal uu soo saaray ku wargeliyay Wasiirka Ganacsiga & Warshaddaha Puntland iyo Guddiga Rugta Ganacsiga in la joojiyay kala diriddii guddigaasi, illaa iyo inta laga soo geba-gabeynayo doorashooyinka lagu wado inay dalka ka dhacaan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com