Rooble oo kormeeray W/maaliyadda, Baanka Dhexe & Dekedda (SAWIRRO)

Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayaa maanta kormeeray Wasaaradda Maaliyadda, Bankiga Dhexe iyo Dekedda Magaalada Muqdisho.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa goobihii uu kormeeray waxaa ku soo dhaweeyay masuuliyiinta dowladda ugu magacaaban, isagoona warbixino ka dhageystay.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay inay xukuumaddiisa dardargelinayso qorsheyaasha ka dhanka ah musuqmaasuqa, ku takri-falka hantida iyo awoodda dowladnimada.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay in xukuumaddiisu ka go’antahay la dagaalanka musuqmaasuqa iyo kordhinta dhakhliga dalka.

Waa markii ugu horeysay uu Ra’iisal Wasaare Rooble uu kormeer ku soo kala bixiyo goobahan, tan iyo markii xilka loo dhaariyay 23-kii bishii September.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com