Wasiirka cusub Waxbarashada oo kulan la qaatay Agaasimayaasha Wasaaradda (SAWIRRO)

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Mudane Eng. Cabdullahi Abuukar Xaaji & Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Marwo Nuuriye Adam Ciise ayaa maanta kulan is barasho ah la yeeshay Agaasimayaasha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha Iyo Tacliinta Sare.

Kulanka oo uu goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada mudane Axmed Xasan Yuusuf ayaa waxaa looga hadlay howlaha shaqada Wasaaradda waxbarashada iyo horumarinta waxbarashada ardayda Soomaaliyeed.

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaliya
Mudane Eng. Cabdullahi Abuukar Xaaji ayaa ugu horeyn Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada ka dhageystay warbixin ku saabsan Howlaha wasaaradda waxbarashada iyo sida ay socdaa shaqooyinka Wasaaradda.

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Eng. Cabdullahi Abuukar Xaaji ayaa sheegay in markasta ay waajib tahay kor u qaadista aqoonta ardayda soomaaliyeed iyo in kor looqaado howlaha horumarinta Waxbarashada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com