General Xijaar oo gaaray Magaalada Garoowe (SAWIRRO)

General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo maalmahaanba ku sugnaa Galmudug ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray Magaalada Garoowe.

Taliyaha Ciidanka Booliska oo socdaalkan ay ku wehlinayeen Saraakiil ciidan ayaa waxaa duleedka Garoowe ku soo dhaweeyay Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska Puntland, S/guuto Caydiid Axmed Nuur, Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) iyo Saraakiil ka tirsan Booliska Punland.

Taliyaha ayaa salaan sharaf ka qaatay cutub ka tirsan Ciidanka Goodir ee Birmadka Booliska Puntland ee degan Xerada Laacdheere.

Taliyaha oo Warbaahinta la hadlay ayaa marka hore ka mahadceliyay soo dhaweyntaasi, isagoona sheegay in socdaalkoodu uu salka ku hayo u kuurgelidda xaaladda Booliska Puntland.

General Xijaar ayaa muddo toddobaad ah Galmudug u joogay, sidii uu u kormeeri lahaa Xarumaha Ciidanka Booliska ku leeyihiin deegaanada Galmudug iyo xaqiijinta amniga ee magaalooyinka lagu wado in doorashooyinka lagu qabto.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com