Iska horimaad Khasaare gaystay oo ka dhacay Muqdisho

Iska horimaad Khasaare dhimasho & dhaawac sababay ayaa saaka wuxuu ka dhacay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan isgoyska dabka.

Iska horimaadka ayaa wuxuu ka dambeeyay, kadib markii rag hubaysan oo watay Mooto ay rasaas ku fureen ciidamo ka tirsan dharcadda Nabad Suggida, kuwaasi oo fadhiyay Isgoyska dabka.

Ciidanka dharcadda NISA, ayaa illaaliya kaamirooyinka ku xiran Isgoyska dabka, kadib markii dhawr mar miinooyin lagu qarxiyay baalayaasha Kaamirada ay ku xiran tahay.

Ciidanka dharcadda & dableyda hubaysan iska horimaadka dhexmaray ayaa sababay geerida laba ruux oo shacab ah & dhaawaca shaqsi kale, waxaana la sheegay raggii hubaysnaa mid ka mid in gacanta lagu dhigay.

Ninka la qabtay oo dhaawaca ah ayaa waxaa lagu daweynayaa Isbitaal, waxaana la wareegay Ciidamada Nabad Suggida oo su,aalo waydiinaayo shaqigaasi.

Xilliyada qaar dableyda hubaysan ee Shabaab ka tirsan ayaa gaysta weeraro ay la beegsadaan goobaha ay ku badan yihiin ciidamada ammaanka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com