Wafdi uu hoggaaminayo Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee Somaliya ayaa maanta gaaray Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabelle.
Madaxweynihii hore ee Somaliya oo toddobaadkii hore dalka dib ugu soo laabtay ayaa maanta ka ambabaxay Magaalada Muqdisho, iyadoona si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Jowhar.
Wafdiga Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa Garoonka Maxamed Dheere ku soo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabelle, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo qaybaha bulshada.
Shariif Sheekh Axmed, Gudoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Jowhar ayaa sheegay inuu magaalada u yimid, sidii loo xalin lahaa tabashooyinka kala duwan ee laga qabo Dhismaha Maamulka Hirshabelle.
Shariifka ayaa hoosta ka xariiqay in tabashooyinkan uu doonayo in lagu xaliyo si nabad ah, maadaama uu dalkaan ka soo daalay buu yiri khilaaf, isla-markaana uu ka shaqayn doono in la wadahadlo, ka hor inta aan loo guda-gelin Doorashada Hirshabelle.
Shariifka ayaa lagu wadaa mudada uu ku sugan yahay Magaalada Jowhar inuu kula kulmo Masuuliyiinta Maamulka, Odayaasha Dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.







Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com