Shariif Sheekh Axmed oo gaaray Magaalada Jowhar

Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh shariif Sheekh Axmed.

Wafdiga oo ay ka mid yihiin Xubno ka tirsan xisbiga Himilo Qaran ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Magaalada jowhar ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan, Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabeelle & qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Sheekh Shariif & Xubnaha la socda ayaa waxa ay la kulmi doonaan mas’uuliyiinta Maamulka Hirshabeelle kuwooda ku sugan Magaalada jowhar, iyaga oo kala hadli doona arrimo dhowr ah.

Amniga Magaalada Jowhar ayaa Maanta aad loo adkeeyay, waxaana laga dareemay guud ahaan Magaalada safarka uu ku tegay Sheekh Shariif , kaas oo ahaa mid horay loo sii qorsheeyay.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo dhawaan dalka ku soo laabtay, kaddib safaro uu ku tegay dalalka Imaaraadka & kenya ayaa safarkiisa Magaalada Jowhar waxaa uu kusoo aaday xilli ay ka socdaan howlaha doorashooyinka, balse uusan wax door ah ku laheyn.