Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa dhaliilay qaabka ay Dowladda Somaliya u maamuleyso Doorashada Kuraasta Baarlamanka ee Xildhibaanada Gobolada Waqooyi, wuxuuna dalbaday inuu isaga soo magacaabo Guddiga Doorashada ee metelaya Gobolada Waqooyi.
Gudoomiyaha ayaa qoraal uu u diray Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha iyo Madaxda Dowlad Doboleedyada waxa uu ku sheegay in intii lagu guda jiray shirarkii go’aanada looga gaaray hannaanka iyo waqtiga doorashada “Aan wax tixgelin iyo qadarin ahba laga siinin Midnimada Qaranimo, oo ay u taagan yihiin siyaasiyiinta beelahaas ku metela Dowladda Federaalka Somaliya.”
Sababta ayuu ku sheegay in madashii lagu go’aamiyay heshiiska siyaasadeed ee Doorashooyinka 2020/21 iyo habraacyada hirgelinta heshiiskaas “Aysan goobjoog ka ahayn” siyaasiyiin ama mus’uuliyiin meteleysa Gobolada Waqooyi ee Somaliland, madashaas oo ay ahayd in ay ku yeeshaan metelaad iyo go’aanba.
Waxa uu sidoo kale sheegay in heshiiska shirkii Golaha Wada-tashiga Qaranka “Ay ka maqnaayeen” siyaasiyiin metesha Gobolada Waqooyi.

Cabdi Xaahsi ayaa sheegay in Xukuumadda Somaliya aysan xaq u lahayn inay magacawdo Guddiga Doorashada Gobolada Waqooyi, sida lagu qoray heshiiska doorashada ee ay gaareen Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada, sababtuna ay tahay inaysan soo magacaabin xubnaha Dowlad Goboleedyada.
Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa sheegay in sidaas darteed, uu isaga soo magacaabi doono labada xubnood ee Gobolada Waqooyi ku metelaya Guddiga Doorashada Heer Federal, labada xubnood ee Guddiga Xalinta Khilaafaadka iyo sideedda xubnood ee Guddiga Doorashada Heer Gobol ee Gobolada Waqooyi.


Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com