Golaha Wasiirada Galmudug oo ansixiyay sharciyo dhawr ah (SAWIRRO)

Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Galmudug, oo uu wehliyo Madaxweyne Kuxigeenka, Cali Daahir Ciid ayaa shir guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada.

Shirka oo gelinkii dambe ee maanta ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa looga hadlay arrimo kala duwan, iyadoona lagu meelmariyay dhowr Hindise Sharciyeed.

Kulanka ayaa ugu horeyn waxaa warbixin la xiriirta amniga looga dhageysatay Wasiirka Amniga, Axmed Macalin Fiqi oo golaha u soo bandhigay qorshaha dib u xoreynta ee deegaanada maqan.

Golaha ayaa go’aamiyay in la xoreeyo deegaanada Galmudug, qaybtooda ay ku sugan yihiin maleeshiyada Ururka Al Shabaab.

Sidoo kale shirka ayaa lagu soo hadalqaaday falkii guracnaa ee toddobaadkii hore ka dhacay Degmada Caabudwaaq, laguna dilay laba qof oo rayid ah. Golaha ayaa amray in gacanta lagu soo dhigo kooxihii dilkaasi gaystay.

Golaha Wasiirada ayaa isu raacay in si daahfuran loo soo xulo Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha, waxayna u xil saareen guddi ka kooban Wasiirada Maaliyadda, Shaqada, Waxbarashada, iyo Caafimaadka inay arrintaasi ka gacansiiyaan Hay’adda Shaqaalaha Rayidka ee Galmudug.

Ugu dambeen Golaha Wasiirada ayaa shirka ku meelmariyay sharciyada kala ah Sharciga Nootaayada, Sharciga Guddiga Adeegga Garsoorka, Sharciga Kalluumeysiga iyo Sharciga Shirkadaha Ganacsiga.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com