Madaxweyne Ku xigeenka Puntland & Taliyaha Booliska Somaliya oo kulmay

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland ahna Madaxweyne ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Taliyaha Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Taliyaha Ciidamada Booliska DFS ayaa Madaxweyne ku-xigeenka warbixin ka siiyey kormeer ay ku sameeyeen xarumaha Booliska Puntland iyo goobaha loo diyaariyay doorashada Soomaaliya.

Maalmihii ugu Taliyaha Booliska Somaliya ayaa socod ku maraayay deegaano & Degmooyin ka tirsan Gobolada dalka Somaliya.