RW Rooble oo cannaantay Maamulka Gobolka Banaadir (SAWIRRO)

Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayaa waxa uu xafiiskiisa ku qaabilay Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir, isagoona kala hadlay roobabka ka da’aaya magaalada ee wadooyinka xiray.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa faray Guddoonka Gobolka Banaadir inay si deg deg ah wax kaga qabtaan biyaha roobabka ee xiray qaar ka mid ah jidadka muhiimka ah ee Caasimadda Muqdisho.

“Waxaan isugu kiin yeeray dardargelinta hawlaha aad u haysaan shacabka oo maalmahaan la dareemayo gaab muuqda oo ka jira dhanka bilicda iyo fayo dhowrka Caasimadda. Sidoo kale waxaa la’idinka sugayaa in aad gurmad deg deg ah la gaartaan dadkeena ay waxyeeleeyeen roobabka ka da’ay gobolka.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa Maamulka Gobolka Banaadir ku booriyay in dadka Caasimadda la siiyo adeeg u dhigma canshuurta ay bixiyaan, waxaana uu yiri” Waxaan idinku boorinayaa in dadka magaaladan joogga ee canshuurta bixiya ay dareemaan in canshuurtoodii wax loogu qabtay”

Dhanka kale Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa tacsi u diray qoysaska saddex qof oo ku geeriyooday roobabkii xoogganaa ee 24-kii saac ee la soo dhaafay ka da’ay Magaalada Muqdisho, waxaana uu Maamulka Gobolka Banaadir faray in ay caawiyaan barakacayaasha iyo dadka danyarta ah ee roobabku waxyeeleeyeen.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com