Toogasho caawa ka dhacday Caasimadda Austria ee Vienna

Nin hubeysnaa ayaa caawa toogasho ka gaystay Magaalada Vienna ee Caasimadda Wadanka Austria.

Warbaahinta Austria ayaa qoreysa in ninkaasi uu weeraray Macbad Yahuudda ku leedahay Magaalada Vienna, isla-markaana uu toogasho ku dhaawacay dhawr qof.

Israsaaseyn ayaa dhex martay ninkaasi iyo Ciidamada Booliska oo nawaaxigaasi ku sugnaa. Nin askari ah ayaana ku dhaawacmay israsaaseyntaasi.

Wararka ayaa intaa ku daraya in xaaladda askari ay tahay mid garaab ah, loona qaaday goobaha caafimaadka.

Wakaaladda Wararka Austria (APA) oo soo xiganeysa Wasiirka Amniga ayaa ku warantay in Ciidamada Booliska ay toogasho ku dileen qof la tuhunsan yahay, isla-markaana uu baxsaday nin kale oo weerarkaasi lala xiriirinayo.

Dadka ku nool magaalada ayaa lagu wargeliyay inay isaga fogaadaan goobtaasi, iyadoona la faray inay guryahooda jooggaan.

Gudoomiyaha Jaaliyadda Yahuudda ee Austria ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay inaanay kala cadayn in bartilmaameedka uu ahaa Macbadkooda iyo inuu ahaa Ciidamadii Booliska ee goobta ka ag-dhawaa. Waxa kaloo uu sheegay in xilligii uu weerarku dhacayay uu xirnaa Macbadka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com