Golaha Wasiirada oo meel ka baxsan Villa Somaliya shir uga socdo

Magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotelka Decale oo ku yaalla Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde waxaa kulan uu uga socdaa Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya, kulankaas oo looga hadlayo Arrimo dhawr ah.

Kulanka oo uu shir guddoominayo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa looga hadlayaa Arrimo ay ka mid yihiin, Doorashooyinka, Amniga, Kordhinta Dhaqaalaha, Daynta cafinta, horumarinta bulshada, Caddaaladda iyo Qorshaha waxqabadka Xukuumadda ee 100ka maalmood.

Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada ayaa kulanka uga warbixiyay waxyaabaha u qabsoomay iyo sida ay u dardar gelin doonaan howlaha horyaalla, sida Amniga, doorashooyinka iyo baahiyaha ay qabaan Bulshada Soomaaliyeed.

Kulanka oo socon doona muddo Saddex Cisho ah ayaa waxaa ka soo dhex-muuqday Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, isaga oo jeediyay hadal ku aaddan wada shaqeynta Xukuumadda iyo Golaha Shacabka.