Qandaraaska Dhismaha Dekeda Hobyo oo la siiyay Shirkadda Oriental (SAWIRRO)

Maamulka Galmudug ayaa heshiis ku saabsan Dhismaha Dekeda Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug waxa uu la gaaray Shirkadda Oriental, oo fadhigeedu yahay Magaalada London.

Oriental Company waa shirkad ay ku mideysan yihiin saddex shirkadood oo Turkey, Ingiriis iyo Soomaali isugu jira, kuwaa oo ay tahay inay dhisaan Dekeda Hobyo.

Heshiiskan ayaa yimid, ka dib shirar xiriir ah oo muddooyinkii ugu dambeysay u socday Masuuliyiinta Wasaaradda Dekedaha & Kalluumeysiga Galmudug iyo Maamulka Oriental Company.

Cabdisaabir Nuur Shuuriye, Wasiirka Dekedaha & Kalluumeysiga Galmudug ayaa saxiixay heshiiska lagu bixiyay qandaraaska Shirkadda Oriental ku dhiseyso Dekeda Hobyo.

Kulanka lagu kala saxiixday heshiiskan waxaa goobjoog ka ahaa Holman Fenwick Willan, oo ah sharci-yaqaan Galmudug kala shaqeynaya arrimaha sharciyadda ee badda.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com