Wasiirka Amniga oo la kulmay Safiirada laba dal (SAWIRRO)

Wasiirka Amniga Somaliya, Xasan Xundubey Jimcaale ayaa kulamo kala duwan Magaalada Muqdisho kula yeeshay Safiirada Turkiga iyo Denmark ee dalka u fadhiya.

Wasiirka Amniga ayaa Danjiraha Turkiga, Amb. Mohamed Yilmez kala hadlay arrimo ay ugu muhiimsan yihiin iskaashiga amniga, horumarintiisa iyo taageerada Turkiga uu Somaliya kaga gacan siiyo arrimaha horumarinta ee amniga dalka.

Wasiirka oo kulanka uu ku wehlinayay xubno uu ka mid yahay Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Banaadir, Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John) ayaa geba-gabadii kulanka waxa uu Wasiirku la hadlay Warbaahinta, waxaana uu sheegay in Turkiga uu door muhiim ah kaga jiro dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida iyo xoojinta Dowladnimada Somaliya, isla-markaana uu Turkiga is garab taagay dalka, xilli xaalad adag uu wajahayay.

Dhanka kale Wasiir Xundubey ayaa la kulmay Safiirka cusub Denmark ee Somaliya, Amb. Ole Thonke, waxayna ka wadahadleen arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka labada dowladood iyo in la dardargeliyo taageerada ay dowladdiisu siiso hay’adaha ammaanka ee dalka.

Amb. Thonke ayaa waxa uu Wasaaradda Amniga ku ammaanay dadaalada ay ku xoojineyso amniga guud ee dalka iyo dagaalka ay kula jirto kooxaha nabadiidka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com