Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle oo la soo geba-gabeeyay

Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ayaa soo geba-gabeeyay Doorashadii Guddoonka Baarlamaanka, ka dib markii ay doorteen Gudoomiye Kuxigeenada 1aad iyo 2aad ee Baarlamaanka.

Xildhibaanada ayaa waxay Gudoomiye Kuxigeenka 1aad u doorteen Siraaji Sheekh Isxaaq Cabdulle, ka dib markii uu tanaasulay musharaxii la tartamaayay ee Saadaq Salaad Warsame.

Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka Hirshabelle ayaa waxaa loo doortay Mahad Xasan Cismaan, kaasoo ka adkaaday haweeneydii keliya ee Guddoonka Baarlamaanka u tartameysay waa Canab Axmed Ciise.

Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle ayaa mar sii horeysay waxay Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed u doorteen inuu noqdo Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle.

Dhammaan Xubnaha Guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle ayaa waxay yihiin kuwo cusub, iyadoona uu meesha ka baxay Guddoonkii hore ee Baarlamaanka Hirshabelle.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com