Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle oo maanta Jowhar ka dhaceyso

Magaalada jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta lagu qabto doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaas iyo labadiisa kuxigeen.

Shalay ayaa waxaa khudbadahooda musharaxnimo laga dhageystay ilaa lix musharax oo u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle & labadiisa kuxigeen.

Amniga Magaalada Jowhar ayaa Maanta aad loo adkeeyay, waxaana siweyn looga dareemayaa doorashada oo qorshuhu ahaa inay dhacdo Gelinka dambe ee Maanta balse Xildhibaannada lagu wargeliyay inay dhaceyso Gelinka hore, kaddib markii ay soo baxday in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed in uu ku wajahan yahay Magaalada Jowhar si uu saameyn ugu yeesho doorashada.

Musharixiinta xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle iyo labadiisa kuxigeen oo lix gaaraya ayaa waxaa Magacyadoooda ay kala yihiin.

1: Xildhibaan Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed & Xildhibaan Maxamed Maxamuud Ibrahim (Goodir) oo u tartamaya jagada Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle.

2: Xildhibaan Saadaq Salaad Warsame iyo Xildhibaan Siraaji Sheekh Isxaaq Cabdulle oo u tartamaya Jagada Guddoomiyaha kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka & 2aad Ee Dowlad Goboledka Hirshabeelle.