Dowladda oo dhiiragelisay in la soo doorto Madaxweynaha Hirshabelle

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliya ayaa u hambalyeysay Guddoonka cusub, ee ay maanta doorteen Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sidoo kale waxay u hambalyeysay Guddigii qabanqaabada Doorashada Guddoonka Baarlamaanka 2aad ee Hirshabelle, hay’adaha amniga oo suuragaliyay habsamida nabadgelyada doorashada iyo dhammaan bulshada qaybaheeda kala duwan.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ugu dambeen waxay ku dhiiragelisay Guddoonka Cusub ee Baarlamanka in ay dhameystiraan inta ka dhiman hannaanka Doorashada Dowlad Goboleedka Hirshabelle, oo ah qaban qaabada Doorashada Xafiiska Madaxtooyada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com