Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle oo la doortay

Xildhibaanada Baarlamaanka 2aad ee Maamulka Hirshabelle, ayaa maanta Magaalada Jowhar ku doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi.

Xildhibaanada ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka labaad ee Hirshabeelle u doortay inuu noqdo Cabdixakin Luqmaan Xaaji Maxamed oo helay codad gaaraya ilaa iyo 77 Cod, halka musharax la tartamay ee Goodir uu isla helay Codad gaaraya 21, waxaa xumaaday hal Cod.

Guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka Hirshabeelle  ayaa ku dhawaaqay in Cabdixakin Luqmaan uu ku guuleystay Doorashada, isla markaana uu noqon doono Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Hirshabeelle.

Luqmaan ayaa ka mid ahaa shaqsiyaadkii taageerada ka helayay Villa Soomaaliya sidda ay horay u xaqiijiyeen xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle.

Goor dhow ayaa la guda geli doonaa Doorashada Guddoomiye ku-xigeenka koowaad oo ay ku tartamayaan laba Musharax oo kala ah Mahad Hassan Osman iyo Marwo Canab Axmed Ciise oo horey u soo noqotay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Maamulkaas.