Ilhaan Cumar oo markale dib loo doortay

Ilhan Cumar ayaa saacado ka hor waxaa dib loogu soo doortay Koongareeska Mareykanka iyadoo ku soo baxday doorashadii ka dhacday degmada 5-aad halkaas oo ay ku difaacatay kursigeedii.

Codbixintii shalay deegaankaas ka dhacday ayey Ilhaan kaga guulaysatay musharixiintii kale ee kursigan kula tartamaysay.

Safaf dhaadheer ayey dadka ugu jireen sidii ay codkooda doorashadan uga dhiiban lahaayeen, iyadoo la sheegay in Soomaali badan ay sanadkan codkooda dhiibteen.

Ilhaan Cumar oo 39 sano jir ah ayaa taariikh sameysay kaddib markii ay 2018-kii noqotay qofkii ugu horreeyay oo Soomaali ah oo xildhibaan ka noqdo dalka Mareykanka.

Ilhaan Cumar ayaa 2018-kii waxa ay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee Soomaali ah oo loo doorto inay xubin ka noqoto Aqalka Koongareeska ee waddanka Mareykanka.

Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib ayaa waqtigaas noqday gabdhihii ugu horreeyay ee Muslimiin ah ee ku soo baxa doorashooyinka Koongareeska Mareykanka.

Ilhaan ayaa markii ay soo galaysay Aqalka waxa ay maalintaas ku soo labisatay dharka hidaha iyo dhaqanka Soomaalida, sida caadada u ahaydna madaxeedu wuu dadnaa oo way xijaabnayd.