Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed oo gaaray Magaalada Jowhar

Madaxweynihii hore ee Somaliya Shariif Sheekh Axmed & Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa saaka dib ugu laabtay Magaalada Jowhar oo maanta la filaayo doorashada Guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle inay ka dhacdo.

Wafdiga shariifka ayaa waxa ay ka ambabaxeen Magaalada Muqdisho, kadib markii maalmo un ay mooganayeen Jowhar.

Ujeedada ugu wayn ee socdaalka Madaxweyne Shariif ayaa waxa ay tahay inuu galaangal ku yeesho doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka & Ku xigeenadiisa oo maanta Jowhar lagu wado inay ka dhacdo.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa isku dayeysa inay soo saarto shaqsiyaad taageersan dhankooda, maadaama laga fekeraayo awooda & galaangalka lagu yeelan doono doorashada Madaxweynaha Somaliya ee dhawaan dhici doonta.

Ammaanka Magaalada Jowhar ayaa si wayn loo adkeeyay, maadaama Jowhar maanta ay ka jirto jawi doorasho oo la xiriirta Guddoonka cusub ee Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com