Raggii kufsiga iyo dilka ka gaystay Boosaaso oo dil lagu xukumay

Maxkamad ku taala Magaalada Boosaaso ayaa maanta xukun dil ah ku xukuntay laba nin oo dhalinyaro ah, ka dib markii ay qirteen in kufsi iyo dilba u gaysteen gabar 14 jir ahayd.

Labadan nin oo ay gacanta ku soo dhigeen Booliska Gobolka Bari ayaa markii hore ku eedeysnaa oo keliya inay dil u gaysteen Naciimo Cabdi Maxamed, oo 14 jir ahayd, dhacdadaas oo ka dhacday Magaalada Boosaaso, 24-kii bishii hore ee October.

Kufsiga ayaa soo shaac-baxay, ka dib markii mid ka mida labadaasi nin oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Farey uu sheegay inay kufsi u gaysteen gabadhaasi, ka hor inta aanay dilin.

Ninkan ayaa sheegay inay gabadha ku soo kaxeeyeen gaari ay wateen, markii ay kufsadeena ay madaxa ka dulmariyeen gaarigii ay wateen, sidaasina ay ku dhimatay Naciimo Cabdi Maxamed.

Maxkamadda ayaa xukun dil ah ku xukuntay Maxamed Cabdi Farey iyo Cabdiraxmaan Maxamed Isxaaq. Xukunka ayaa ah qisaasta dilkii ay u gaysteen gabadhii 14 jirka ahayd.

Xukunkan ayaa dhacay, iyadoo Qareenkii difaacaayay eedeysane-yaasha uu maxkamadda ka codsaday in xukunka loo qafiifiyo, maadaama ay qiraal yihiin.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com