Sawirka Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo laga fujiyay ka soo horjeedka Xarunta Baarlamaanka

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag uga hadlay boor uu ku xardhan yahay sawirkiisa, oo Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada ka fujiyeen ka soo horjeedka Xarunta Baarlamaanka Somaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah musharaxiinta u taagan Jegada Madaxtinimada Dalka ee sanadka 2021 ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay inay tani muujineyso dulqaad la’aanta Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa u qornaa sidatan:-

“Waxaan cambaareynayaa gabood falka ay Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada ku fujiyeen boor ku dheganaa ka soo horjeedka Xarunta Baarlamaanka, oo lagu soo bandhigay sawir muujinaya musharaxnimada xilka Mdaxweynimo ee aan sannadka 2021-ka u taaganahay. Ciidanka ayaa shirkaddii boorarka lahayd u sheegay in uu amar kaga yimid Madaxtooyada.”

“Naguma cusba dulqaad la’aanta musharax Madaxweyne Maxamed Farmaajo, waxayse tani tijaabo ku tahay Ra’iisul Wasaare Rooble oo ay masuuliyad ka saaran tahay xaqiijinta loolan ay u siman yihiin musharaxiinta xilka u tartamaya ee u Madaxweyne Farmaajo ka mid yahay.”

“Haddii uu musharax Farmaajo xamili karin sawir xayeysiin ah, sidee buu tartan doorasho ugu adkaysan karayaa. Tani waxay cashar horudhac ah u tahay waxa uu musharax Farmaajo maaganyahay.”

“Waxaan ugu baaqaynaa taageerayaasheyada, musharaxiinta kale, saxaafadda, bulshada rayidka iyo waxgaradka Soomaaliyeed in ay falkan guracan si isku mid uga dhiidhiyaan.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com