Guddiga Doorashada Madaxweynaha Hirshabelle oo la magacaabay

Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle, Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Muxumed ayaa magacaabay Guddiga Doorashada ee Madaxweynaha Hirshabelle iyo Madaxweyne Kuxigeenka.

Guddiga oo ka kooban sagaal xubnood ayaa waxaa Gudoomiye looga dhigay Xildhibaanad Caasho Khaliif Maxamed, iyadoo Kuxigeeno looga dhigay Xildhibaan Abuukar Xasan Cali iyo Xildhibaan Yuusuf Sheekh Xasan Macalin Jeelle.

Sidoo kale Xildhibaan Cabdifitaax Cabdiqaadir Caddow ayaa loo magacaabay Xoghayaha Guddiga Doorashada ee Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka.

Guddiga Doorashada ee la magacaabay ayaa soo qaban qaabin doono jadwalka ay tahay in loo maro Doorashada Xafiiska Madaxtooyada Hirshabelle.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com