Qarax xoogan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax xoogan ayaa goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho, iyadoo jugta qaraxa laga maqlay qaybo ka mida xaafadaha magaalada.

Qaraxa ayaa ka dhacay Degmada Hodan, gaar ahaan Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim. Ma cadda in qaraxa uu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso iyo inuu ismiidaamin ahaaba.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in qaraxaasi lala eegtay gaadiid maraayay agagaarka Madaxtooyadii hore ee Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in gaadiidkaasi uu la socday Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Somaliya, Duraan Axmed Faarax.

Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya in ciidamada ammaanka ay gaareen goobtaasi, isla-markaana ay xireen wadada.

Qaraxan ayaa ku soo aadaya, xilli muddooyinkii ugu dambeysay ay dadka reer Muqdisho ka nasteen jugta qaraxyada, amniguna uu ahaa mid ka soo reynaya.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com