Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ka soo horjeestay Guddi xalay uu magacaabay R/Wasaaraha

Guddoomiyaha Golaha amAqalka Sare ee JFS mudane Cabdi Xaashi ayaa qoraal uu goor dhow soo saaray waxaa uu laaley isla markaana sheegay in aan waddo sharci ah loo marin magacaabista guddiga doorashada dadban ee uu soo saaray ra’isul wasaare Maxamed Rooble.

Guddoomiye Xaashi oo arrintaasi ka hadalaya ayaa yiri : Waxaan caddeyneynaa in aaney dhexdhexaad aheyn oo lagu kalsoonaan karin, xubnaha loo soo xulay guddiyaga doorashada ee Dir waqooyi iyo heer federaal oo ay dowladda federaalka ah soo magacday oo badankooda illaa hadda beeluhu aaney garaneyn meel laga keenay”