
Musharaxa Xisbiga Dimoqraadiga Mareykanka, Joe Biden ayaa noqday Madaxweynihii 46aad ee Mareykanka, ka dib markii uu ka adkaaday Madaxweyne Donald Trump.
Guusha Joe Biden ayaa timid, ka dib markii uu ku guuleysatay tirinta codadkii laga dhiibtay Gobolka Pennsylvania. Pennsylvania waa halkii uu ku dhashay Joe Biden.
Joe Biden ayaa hantay 20-ka cod ergo ee Gobolka Pennsylvania, taasoo ka dhigeysa mid ka sare maray 270-ka cod ee ergo, ee musharaxa uu ku noqon karo Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka.
Madaxda caalamka oo isha ku haayay doorashada uu muranka badani hareeyay ee Talaadadii laga qabtay dalkaasi ayaa qaarkood bilaabay inay u hambalyeeyaan Joe Biden.

Ra’iisal Wasaaraha Britain, Boris Johnsan ayaa ka mid ah madaxda caalamka ee u hambalyeeyay Joe Biden, Madaxweynaha cusub ee Mareykanka.
Mr. Biden ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu da’da weynaa taariikhda Mareykanka ee xilka qabta, iyadoo uu 20-ka bishan jirsan doono 78 sano.
Biden ayaa soo noqday Madaxweyne Kuxigeenkii Mareykanka ee Dowladdii Barack Obama, isagoona muddo xileedkii labada jeerba la dhameystay Obama.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com