Madasha Xisbiyada Qaran oo ka hortimid Guddiyada Doorashooyinka

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxay ka horyimid Guddiyada Doorashooyinka iyo Xalinta Khilaafaadka ee Heer Federaal, ka dib markii xubno ka mida laga soo xulay sida ay sheegtay Hay’adda NISA iyo Shaqaalaha Rayidka.

Qoraal ay caawa soo saartay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa lagu sheegay inay tani baalmarsan tahay shuruucda dalka u degsan, heshiiskii doorashada iyo xeerarka Baarlamaanka, isla-markaana ay dhaawaceyso kalsoonida lagu qabi karo inay doorashada dalka noqoto mid xor iyo xalaal ah.

Madasha ayaa ku afeefatay in Madaxweynaha Qaranka iyo Ra’iisal Wasaaaha Xukuumadda, ay qaadi doonaan masuuliyadda wax kasta oo keeni kara muran iyo is qabqabsi shaki geliya madaxbannaanida guddiyada iyo doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka.

Akhriso warka Madasha Xisbiyada Qaran

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com