Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku biiray madaxda caalamka ee u hambalyeynaysa Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka Mareykanka ee la doortay.
“Hambalyo Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Joe Biden iyo Madaxweyen Kuxigeenka la doortay Kamala Harris. Somaliya waxay idin rajeynaysaa inaad ku guuleysataan dadaalkiina.” Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa qoraal uu goor dhow soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay inay rajeynayaan in xiriir iyo iskaashiba yeeshaan Madaxweynaha cusub ee la doortay.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Mareykanka ku tilmaamay mid ay xulufo iyo bahwadaagba yihiin Somaliya, gacana ka gaysta horumarinteeda.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com