Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed oo Jabuuti u ambabaxay

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Sh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta ka ambabaxay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Sheekh Shariif iyo wafdiga la socday ay ku wajahan yihiin dalka Jabuuti, iyagoona halkaas tegi doona saacadaha soo socda, waxaana Shariif Garoonka ka sagootiyay xubno ka tirsan xisbigiisa.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona Mas’uuliyiinta  ugu sarreysa dowladda Jabuuti, isagoo kala hadli doona arrimo kala duwan oo ah kuwo qorsheysan.

Dowladda Jabuuti oo ay Ciidamo Nabad Ilaalin ka joogaan Soomaaliya, ayaa la saadaalinaya inay ka mid noqon doonaan dalalka sida weyn u daneyn doono doorashada dalka Soomaaliya ka dhaceysa dhammaadka sanadkaan 2020/2021.

Sidoo kale Jabuuti waxay aheyd halkii Sheekh Shariif lagu doortay sanadkii 2009, xilligaas oo dowladda Jabuuti martigelisay wada hadaladii u dhaxeeyay Isbaheysigii ARS iyo dowladdii TFG-da oo ugu dambeyn keentay in isku darka labo Baarlamaan oo Mucaaradka iyo dowladda in dowlad Midnimo Qarana la soo dhisay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com