Qarax caawa ka dhacay Muqdisho

Qarax miino ayaa caawa wuxuu ka dhacay Magaalada Muqdisho, iyadoo jugta Qaraxa si wayn looga maqlay nawaaxiga madaxtooyadda Villa Somaliya.

Qaraxa ayaa wuxuu ka dhacay agagaarka Isgoyska Sayidka, gaar ahaan inta u dhaxeysa Sayidka & Hotel Dayax si gaar ah waxa uu qaraxan uga dhacay goob lagu magacaabo Daacad Care Center oo ah meel gaadiidka lagu iibiyo.

Nooca Qaraxa ayaa wararka waxa ay sheegayaan inuu ahaa miino bac madow la soo galiyay, halkaasina ay ka qaraxday.

Illaa hadda lama oga Khasaaraha dhimashada & midka dhaawaca ah ee ka dhashay qaraxaan, meesha ay wax ka dhaceen ka soo horjeedkeeda waxaa ku taallo maqaayad dadka aad u fariistaan.

Ciidamada ammaanka oo gaaray goobta ayaa halkaasi waxa ay ka wadaan hawlgalo Baaritaano ah oo ay ku baarayaan Qaraxa & meesha sida lagu dhigay.

Muqdisho maalmahan dambe waxaa ku soo badanaya Qaraxyada Miinooyinka ee wadooyinka Magaalada gudaheeda la dhigo.