Waqtiga ay dhaceyso Doorashada Madaxweynaha Hirshabelle oo la shaaciyay

Guddiga doorashada Madaxweynaha & Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabelle ayaa ku dhawaaqay waqtiga la qabanayo doorashada Madaxweynaha Maamulkaas iyo ku xigeenkiisa.

Qoraal kasoo baxay guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in diiwaangelinta musharixiinta Madaxweynaha & Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle ay dhacayaan 8 illaa 9 bisha November, halka hadal jeedinta musharixiinta Madaxweynaha & Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle ay dhaceyso 10-ka bishan.

Qoraalka Guddiga Doorashada ayaa lagu sheegay in Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka ay dhici doonto 11-ka bishan.