Wararkii ugu dambeeyay xaaladda dalka Itoobiya

Baarlamaanka Itoobiya ayaa Sabtida maanta ah ansixiyay dhismaha dowlad kumeel gaar ah oo loo sameeyo gobolka Tigreyga, sida ay ku warrameyso warbaahinta Fana oo taabacsan dowladda.

Baarlamaanka ayaa fadhigan degdega ah sidoo kale ku kala diray dowlad goboleedkii maamuleysay gobolka waqooyiga ee Tigreyga.

Khilaaf cakiran oo soo kala dhex galay xukuumada federaalka ee Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed iyo xulufadiisii hore ee Tigreyga ayaa qarxay Arbacadii kadib markii Abiy uu amar ku bixiyay olole militari oo ka dhan maamulka Tigreyga. Waxa uu ku eedeeyey ciidabja jabhadda xoreynta shacabka Tigreyga (TPLF) in ay weerareen saldhig milatari oo federaal ah ayna isku dayeen in ay qalab militari xadaan.

Diyaaradaha dagaalka Itoobiya ayaa duqeeyay gobolka Tigreyga Jimcihii, iyadoo Ra’iisul Wasaare Abiy uu ballanqaaday in uu qaadi doono duqeymo dheeri ah taasi oo colaadda sii kordhineysa.

Dhanka kale, Sudan ayaa qeyb ahaan xirtay xadka ay la wadaagto Itoobiya, sida ay maanta oo Sabti ah ku warrantay wakaaladda wararka dalkaasi ee SUNA, tani oo la xiriirta rabshadaha sii kordhaya ee gobolka.

Sida ay ku waramayaan ilo dublumaasiyadeed, dagaal culus ayaa Arbacadii ka qarxay gobolka Tigreyga, ka dib markii Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed uu bilaabay dhaqdhaqaaqyo milatari oo uu uga jawaabayay wax uu ugu yeeray weerar lagu qaaday ciidamada federaalka.

Dowladda gobolka al-Qadarif ee bariga Sudan ayaa bilowday inay xirto xuduudda ay la wadaagaan gobolada Itoobiya ee Tigreyga iyo Amhara laga bilaabo fiidnimadii Khamiista, illaa amar dambe, sida ay Sabtida maanta ah ku warrantay wakaaladda SUNA.

Dowladda ayaa sidoo kale uga digtay dadka ku nool xadka inay ka feejignaadaan dhibaatooyin ka dhalan kara xiisadaha ka aloosan dalka ay deriska yihiin ee Itoobiya, ayay warbixinta wakaaladdu intaa ku dartay.

Wakaaladda ayaa sidoo kale sheegtay in aagagga Sudan ee deriska la ah labada gobol ee Itoobiya ay haatan ku jiraan xilliga dalag gurashada, xiisadaha nabadgelyo ee jirana ay si daran u waxyeeleyn karto beeraleyda iyo dalagyadooda.

VOA.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com